πππππππππ ππππππ ππ πππππππππππ ππ πππ β ππ πππ ππππ

Saadaasha roobka ee sitimaanka 26 Sebtembar ilaa 02 Oktoobar 2026 ayaa ah mid dhexdhexaad ah. Waxaa sidoo kale bilaabmay curashada roobabka Deyrta, iyadoo roobabka toddobaadkan la filayo inay daβaan laga bilaabo 29ka Sebtembar π’yo wixii ka dambeeya.
Qaybo kamid ah deegaanada hoos taga Qardho, Taleex, Laascaanood iyo Burtinle, ayaa la filayaa inay helaan roobab dhexdhexaad ah, kuwaas oo xaddigoodu gaari karo 50β100 mm.
Sidoo kale, deegaanada Garoowe, Dhahar, Dangorayo, Jariiban, Xarfo, Galkacyo, Galdogob, Bursaalax, Ceerigaabo, Laasqoray, Qandala, Ballidhidin, Carmo iyo Rako ayaa laga filayaa roobab u dhexeeya 10β40 mm.
β οΈ Bulshada ku nool deegaanada la filayo roobabka dhexdhexaadka ah waxaa lagula talinayaa inay muujiyaan feejignaan dheeraad ah, gaar ahaan inay ka fogaadaan biyo-mareennada, togagga, iyo meelaha dhulka hooseeya, si loo yareeyo khataraha ka dhalan kara qulqulka biyaha.
Saadaashan roobka waxay isbeddeli kartaa waqti kasta, iyadoo ay saameynayaan duruufaha cimilada ee is rogrogaya. Sidaa darteed, Xarunta Macluumaadka Khayraadka Biyaha iyo Dhulka ee Dowladda Puntland waxay si joogto ah ula socotaa isbeddelada cimilada si loo helo xog sax ah oo waqtigeeda la jaanqaadaysa.