SAADAASHA ROOBKA EE TODDOBAADKA 04–10 OCTOBER 2026

Saadaasha roobka ee toddobaadka 04–10 October 2026 waxay muujinaysaa roobab dhexdhexaad ah, iyadoo la filayo in curashada roobabka toddobaadkan ay si tartiib ah u bilaabato laga bilaabo 7-da October.
Qaybo kamid ah deegaanada hoos taga Xuddun , Ceerigaabo, Laasqoray, Badhan, Taleex, Burtinle, Xarfo iyo Bursalax (5-50mm).
Bulshada ku nool deegaanada la filayo roobabka dhexdhexaadka ah waxaa lagula talinayaa inay muujiyaan feejignaan dheeraad ah, gaar ahaan inay ka fogaadaan biyo-mareennada, togagga, iyo meelaha dhulka hooseeya, si loo yareeyo khataraha ka dhalan kara qulqulka biyaha.
Saadaashan roobka waxay isbeddeli kartaa waqti kasta, iyadoo ay saameynayaan duruufaha cimilada ee is rogrogaya. Sidaa darteed, Xarunta Macluumaadka Khayraadka Biyaha iyo Dhulka ee Dowladda Puntland waxay si joogto ah ula socotaa isbeddelada cimilada si loo helo xog sax ah oo waqtigeeda la jaanqaadaysa.