SAADAASHA ROOBKA EE TODDOBAADKA 10–16 OKTOOBAR 2026

Saadaasha roobka ee maalmaha 10-16 oktober ayaa ah mid dhexdhexaad ah.
Toddobaadkii hore, roobab ayaa ka da’ay qaybo ka mid ah Puntland, gaar ahaan Galkacyo, Galdogob, Burtinle, Jariiban, Daarusalaam, Baargaal, Widhwidh, Buuhoodle, Marayo, Saaxo iyo Tawfiiq.
Roobabka la filayo:
– Qaybo ka mid ah deegaanada hoos taga Galkacyo, Galdogob, Xarfo, Bursaalax iyo Jariiban ayaa la filayaa inay helaan roobab gaadhi kara 100–200 mm.
-Sido kale degmooyinka Burtinle, Dangorayo, Garowe, Ceerigaabo, Qardho, Rako, Dhahar, Ballidhidin, Xudun, Badhan, Laasqoray, Boocame iyo Taleex ayaa la filayaa inay helaan roobab gaadhi kara 10–100 mm.
Talo iyo Taxaddar
Bulshada ku nool deegaanada la filayo roobabka waxaa lagula talinayaa inay muujiyaan feejignaan dheeraad ah, kana fogaadaan togagga, biyo-mareennada iyo meelaha godan si loo yareeyo khataraha ka dhalan kara qulqulka biyaha iyo fatahaadaha.
Dhammaad