Warbixinta Xaaladda Abaaraha ee Deegaanada Puntland
Isbedelka Cimilada oo ah mid aad ah usaameyey Adduunka gaar ahaan Soomaliya,Deeganada Puntland ayaa ah meelaha ugu nugul ee wali la daala dhacaya saamaynta isbedelka cimilada sida , Abaaraha isdaba-joog ah , Roobab aan la isku halayn karrin , Duufaano soo noq-noqda , Heer kulka oo siyaaday iyo Fatahaado soo laalaabta.
Bilowgii xilli roobaadka GU’ga Xarunta Maareynta Xogaha dhulka iyo biyaha ee DPL (IMC) iyada oo xiganaysa Saadaasha Xarunta Cimilada ee Geeska africa (ICPAC) waxaa ay la wadaagtay in saadaasha Gu’ga la rajaynayo in la helo roobab ka hooseeyo xadigii la heli jiray (Below-Normal) halka deegaanada qaar loo saadalinayey in ay helaan xadi roobaad caadi ahaa (Normal).
Roobabkii Gu’ga ee bilaha March – May oo aan sifiican uga di’in deeganada Puntland, waxaa ay sababeen in abaar darran laga dareemo dhammaan deeganada Puntland.
Abaarta ayaa saamaysay dhammaan hab-nololeedka dadka iyo duunyadaba. Biyo-yaraan baahsan, cudurro haleelay xoolihii iyo dadkiiba ayaa ka jira gebi ahaanba deeganada miyiga iyo Magaalooyinka Puntland.
Sida ku xusan Khariiradadaan Abaarta ee ka jirta deeganada Puntland, Xaalada abaareed ee deeganada Puntland ayaa ah mid aad u darran (Severe to Extreme).
Gobolada; Bari, Gardafuu, Sanaag, Mudug, Nugal, Cayn, Haylaan iyo dhammaan deeganada dhaca xeebaha ayaa ah kuwo ku jira xaalad abaareed oo aad u-darran (Extreme).
Qaybo kamid ah Gobolka Sool , Nugal, Karkaar iyo Mudug ayaa ah kuwo ku-jira xaalad abaareed oo darran (Severe).
sidaas darteed abaartu waxaa ay aad u saamaysay Nolosha dadka reer miyiga ah, barakacayaasha, xoola-dhaqatada, Kaluumaysatada iyo beeralayda.
Xaalada abaarta ayaa ah mid kasii daraysa marba marka kasii danbaysa maadaama Roobabkii Guga sifiican deeganada uwada gaarin haddana lagu jiro Xilligii Jiilaalka dhammaan deegaanada Puntland.
Abaaraha waxaa ay si darran usaamaysay Xoolaha, Beeraha iyo Illaha biyaha sida hoos ku xusan;
Xoolaha
Xogaha aan ku helnay u kuurgelid xaalada abaaraha ah ee ay samaysay Xarunta IMC bishii may waxaa ay ku ogaatay In xaalada daaqa xoolaha ay aad uliidato ayna jiraan cudurro saameyey dhammaan meesiyada xoolaha sida idaha , ri’yaha , Geela , lo’da iyo Gammaankaba.
Waxaa dadka reer miyiga ah badi u hayaameen deegano kamid ah Gobolka Mudug iyo deegaananada ku yaala ciidka ah ee Dalka Itoobiya kuwaas oo ahaa deegaanadii helay xaddi roobaad wanaagsan gu’gii la soo dhaafay.
Beeraha
Abaartu waxaa ay sidoo kale saamaysay beeralaydii deeganada Puntland, waxaa yaraaday ilihii biyaha ee ay ku waraabsan jireen beerahooda waxaana fogaaday helitaankii biyaha madaama abaartu hoos udhigtay dhawaanshihii biyaha ceel gacmeedyada (Shallow wells) iyo ceelasha biri-qodayda ah(Boreholes)
Waxaa sidoo kale jira cudurro ku dhacay dalagyadii beeraha taas oo ay keentay abaarta iyo biyo-yarida jirta.
Illaha-biyaha
Abaartu waxaa ay saamayn xoogleh ku yeelatay ilaha biya ee dadka iyo duunyaduba ka cabi jireen waxaa yaraaday ama Dawray(Depleted) illihii biyaha ee muhiimka u ahaa nolosha dadka iyo duunyadaba. (Strategic water Sources).
Talo-soojeedin
Haddaba maadaama xaalada abaareed ee deeganada Puntland aad darantahay waxaa lagama maarmaar ah in la qaado habab xal u noq kara in lagula tacaalo abaarta sida soosocota;
- In biyo-dhaamin deg-deg ah La gaarsiiyo dadka iyo duunyada ay abaaruhu saameeyeen.
- Si loo badbaadiyo nolosha dadka iyo xoolaha waa in la helaa Wasaaradaha Caafimaad iyo Wasaarada Xanaanada xooluhu daawooyin gaarsiin dadka iyo duunyada tabaalaysan.