
SAADAASHA ROOBKA EE MAALMAHA 11 – 17 MAAJO 2025:
Waxaa asbuucii lasoo dhaafay da’ay roobab lagu diirsaday qaybo ka mid ah deeganada Puntland, waxaana deegaanada roob beeguhu yaalo ee roob saday laga diiwaan galiyay roobab, gaar ahaan Balidhiddin (37.3) mm, Uusgure (32) mm, Dangoroyo (30.4) mm, Qardho (28) mm, Burtine (27) mm, Xasbahale (27) mm, Darusalam (25.3) mm, Widh widh (22.1) mm, Laascanood (21) mm, Eyl (20) mm, Galdogob (18.9) mm, Baran (15) mm, Garowe (9.1) mm, Dhahar (8.8 mm), Buran (8.4) mm, Iskushuban (3) mm, Galgacyo (2.5) mm, Shaxda (2) mm, Buuhoodle (0.1) mm.
Khariidadda saadaasha roobka ee asbuuca 11 – 17 Maajo 2025 ayaa ah mid hooseysa filashada roobka inta badan deegaanada Puntland.
Deegaanadda Sarmaanyo, Dhaban, Gorofley, Laaso-cudan, Dogoble, Xamar- laguxidh, Qaranro ee Degmooyinka Xudun, Ceerigaabo, iyo Buuhoodle ayaa la filayaa inay ka da’aan roobab dhex dhexaad ah xadi Ahaana gaaraya (30 – 100) mm, sababi karana daad meelaha godan iyo dooxooyinka.
Dhammaan bulshada ku dhaqan deegaanadda xaddiga roobku dhax-dhexaadka yahay waa inay taxadar dheeriya muujiyaan kana fogaadaan meelaha dooxooyinka ah iyo biyo mareenada ilaa 17 bisha Maajo gar ahaan maalmaha maalmaha 12,13,14 bisha.
Sadaashan roobka waa ay isbadeli kartaa xilli kasta, Xarunta macluumaadka khayraadka Biyaha iyo Dhulka ee Dawladda Puntland waxa ay sidhow ula soconaysaa markasta isbad-badalka cimilada ee xilli roobaadka.
DHAMMAAD
Wixii faahfaahin ah, fadlan kala xiriir; Xafiiska Warfaafinta Xarunta Maareynta Xogaha Biyaha iyo Dhulka Puntland
