
WARBIXINTA QIIMEYNTA DEYRTA 2024
Hordhac
Xilli-roobaadkii Deyrta 2024 ayaa bilaabmay dhammaadkii bishii Sebtembar wuxuuna da’ayay illaa dhammaadka bisha Nofeembar. Inta badan xarumaha roob beegayaasha ee Puntland ayaa diiwaangeliyey roobab ka yar xaddigii di’i jiray, marka laga reebo Xuddun, Murcanyo, Laascaanood, Widh-widh, Burtinle, iyo Xasbahale, kuwaasoo helay in ka badan 100mm oo roob ah.
Iyadoo la tixraacayo guud ahaan roobabkii da’ay muddadii u dhaxaysay Sebtembar ilaa Diseembar (SOND), Xuddun waxaa ka da’ay 177.6 mm, Murcanyo 136.9 mm, Laascaanood 134 mm, Widh-widh 121.8 mm, Burtinle 112 mm, iyo Xasbahale 109 mm, halka degmooyinka kale ay heleen roob xaddi ahaan yar.
Dhanka kale, xarumaha roob beegayaasha Jariiban, Boosaaso, iyo Laasqoray ayaa wax roob ah ka di’in xilli roobaadkii deyrta, sida ku cad (jaantuska 1aad) oo ah roobabka ka da’ay deegaanada Puntland.
Faahfaahin dheeri ah kala dag Hoos warbixinta oo dhammaystiran: