Saadaasha roobka Dayrta 2022 ee Puntland.
Iyada oo abaaro ba’an ay ka jiraan Puntland ayna saamaysay dhamaan hab nololeedka bulshada miyi iyo magaalo, haddana saadaasha roobabka ee ka soo baxay Xarunta Saadaasha Cimilada ee ICPAC iyo Madasha (GHACOF61) waxay muujinaysaa in roobabka Deyr ta ay ka hooseeyaan sidii caadiga ahayd.
Sida ka muuqata khariidada saadaasha , roobabka la filayo ayaa noqon karaya kuwo ka hooseeya heerkii caadiga ahaa (khariiradu waxay ku salaysan tahay boqoleey).
Taas oo ka dhigan in 5 xilli roobaad oo xiriir ah ay ka hooseeyaan sidii caadiga ahayd taasoo ay sababtay isbadalka cimiladda aduunka, waxayna sii kordhinaysaa abaarta ba’an ee ka jirta Puntland.
Saamayta ka dhalanaysa ayaa ah in helitaankii Biyuhu ay adkaadaan, jooga biyaha ee ceelasha ay hoos u dhacaan, enga’gaan iyo Daaqsintii oo yaraata taasoo ugu danbayn sababta barakac gudaha ah iyo macaluul.
Iyada oo la tixgalinayo saadaasha roobabka deyrta, waxaa lagama maarmaan ah in loo diyaar garoobo saameynta tabban si talada iyo go’aannada ku habboon looga qaato.
Xarunta Maareynta Kheyraadka Biyaha & Dhulka ayaa si joogto ah u soo saari doonta xogta saadaasha toddobaad kasta inta lagu jiro xilli-roobaadka.
Waxaan bulshada la socodsiinayaa in saadaashani ay tahay mid isbedeli karta wakhti kasta, lagana yaabo inay kala duwanaadan qiyaasta roobka iyo qiyaasta dhabta ah ee roobabka.