Saadaasha Roobabka ee Satimaanka 27 Abriil- 03 Maayo
- Roobabkii gu’ga ee asbuucii lasoo dhaafay ka da’ay meelo kamid ah degmooyinka Buuhoodle, Galdogob, Burtine, Xudun iyo Garowe ayaa xadigoodu u dhexeeyey 20-40 mm.
- Roobabkii da’ay ayaa ahaa kuwo aad ugar yar sidii la filaayay baaxad iyo xaddi ahaanba, inkasto uu saamayntii abaarta yareeyay dhanka helida Biyaha iyo daaqa xoolaha.
- Saamaynta abaarta ayaa wali ka jirta badi gobolada Puntland taas oo lagaga bixi karo roobad si guud u wada gaar ah degaamada.
- Saadaasha roobabka asbuucan ee gobolada Bari, Gardafu, Karkaar, Haylaan, Sanaag, Sool, Cayn iyo Mudug ayaa laga filayaa roobab dhex-dhexaad ah oo gaari kara 30-50 mm.
- Degmooyinka Qardho iyo Dhahar ayaa laga filayaa roobab gaarayo 100-150 mm oo sababi kara daadad. Bulshada degaamadaas waa inay muujiyaan taxadar dheeraad ah xiliga saadaasha.
- Gobolka Nugaal iyo qaar kamid ah Dhulka xeebaha ayaa laga filaya roobab ka yar 20 mm.
- Khariidadda 1 & 2 waxay tilmaamaysaa isu gaynta saadaasha roobka ee 3 & 7 maalmood ee asbuuca siday u kala horreeyaan
- Sadaashan roobka waa ay isbadeli kartaa xilli kasta, Xarunta macluumaadka khayraadka Biyaha iyo Dhulka ee Dawladda Puntland waxa ay sidhow ula soconaysaa markasta isbad-badalka cimilada ee xilli roobaadka
Views: 459