Saadaasha Roobabka ee Satimaankaan 16-22 Abriil
- Iyada oo weli abaar daran ka jirto guud ahaan deegaanada Puntland, haddana rajada curashada Gu’ga ee satimaankaan ayaa ah mid sarraysa.
- Gobolada Mudug, Sool, Cayn, iyo degmooyinka (Garoowe, Burtinle, Dhahar, iyo Ceergaabo) ayaa la filayaa in roobabka Gu’ga ka curtaan maalmaha 18-22 ee bisha Abriil, Xaddiga roobabka la filayo ayaa celcelis ahaan u dhaxeeya (30-40 mm),.
- Degmada Jariiban iyo dhulka dhoodida ah ee Sool iyo Nugaal ayaa laga filayaa xaddi roobaad gaari kara (50-70 mm).
- Deegaanada aan curasha roobku ka muuqan satimaankaan oo ay ilaa hadda abaar aad u daran ka jirto waxaa kamid ah inta badan gobolada (Bari,karkaar, Gardafuu, iyo dhammaan degmooyinka dhaca Xeebaha Puntland).
- FG: Dhammaan Bulshada reer Puntland gaar ahaan xoolo-dhaqatada, beeralayda iyo gaadiidleyda ku dhaqan deegaanada saadaasha xaddiga roobabku sarreeyo waa inay taxadar dheeriya muujiyaan kana fogaadan meelaha Biyo-mareenka ah iyo Togaga.
- Sadaashan roobka waa ay isbadeli kartaa xilli kasta, Xarunta macluumaadka khayraadka Biyaha iyo Dhulka ee Dawladda Puntland waxa ay sidhow ula soconaysaa markasta isbad-badalka cimilada ee xilli roobaadka.
Views: 449